Shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo La Fasaxay

Published: August 8, 2021

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya ayaa fasaxday dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha Dawladda Federaalka iyo kuwa gaarka ah.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan Shaqaalaha Hay’adaha ay fasax yihiin maalinta Isniinta berri oo ku aadan bilowga sannadka cusub ee Hijriga 1443.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo hambalyo u diray dhammaan Shaqaale-waynaha Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay inay camal wanaagsan uga faa’iideystaan maalinta muhiimada u leh muslimiinta ee sanadka cusub ee Hijriga.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *