Shaqaalaha Dowlada Somaliland oo Guryo Loo Dhisayo

Published: September 21, 2020

Shirka toddobaadlaha ee Golaha xukuumadda wasiirrada ee Somaliland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta la horkeenay qorshe guryo loogu dhisayo shaqaalaha dowladda Somaliland. shirka ayaa ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference

Wasiirka wasaaradda hawlaha guud dhulka iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.

Dhinaca kale, gollaha wasiirada Somaliland waxay ansixiyeen siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *