Shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe oo Lacag taakulayn ah ku wareejiyey guddiga abaaraha Puntland.

Published: March 29, 2017

Shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe ayaa lacag ay ka jareen mushaharkoodaku wareejiyeen xubin ka mid ah guddiga taakulaynta Abaarha Puntland.

Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha ee Madaxtooyada Puntland Ciise Maxamuud Cumar iyo xisaabiyaha Madaxtooyada Idil Saciid Faarax ayaa lacagtaasi ku wareejiyey Shiikh Cabdiqani Qorane oo ka mid ah guddiga taakulaynta Abaaraha Puntland.

lacagtaasi ayaa dhammayd 15,500,000 oo shilin Soomali ah taas oo ay ugu tala galeen inay kaga qayb qataan gurmadka loo fidinaayo dadka Abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland, taas oo ay u garteen inay uga reebaan mushaharkooda, si loogu samatabixiyo walaalahooda tabaalaysan.

Taakulaynta lacageed ayaa ah mid laga dheehankaro dadka Soomaliyeed inay markasta u heelan yihiin inay u gar-gaaraan kooda dhibaataysan, ha ahaato waxa ugu yar ama waxa ugu badan ee qof bini aadan ah la siin karo looguna gar-gaari karo.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *