Askar u shaqeysa hay’adda UNDP oo Qarax ku dhaawacmey

Published: January 4, 2017

Subaxnimadii Arbacada ee maanta ayaa gaari yaaley goob gawaarida UNDP la dhigo oo Baarkin ah ku qarxay goobtii uu yaaley sida ay sheegayaan warar soo gaarey Horseed Media. Qaraxa waxaa ku dhaawacmey saddex askeri oo ka tirsanaa shirkad ilaalisa gaadiidka UNDP oo la yiraahdo Duguf Enterprice Security Services (DESS).

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in bom-ka lagu xirey gaariga waxaana ku dhaawacmey afar qof sida uu sheegay Taliyuhu.

Laba maalmood ka hor ayaa isla jdikan uu ka dhacay laba qarax oo aad u weyn oo ay fuliyeen labo ka tirsan malayshiyaadka al-Shabaab.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *