Sheekh Shariif, Prof Samantar iyo Cabdiraxmaan Cabdishauur oo ka dayriyey xaaladda dalku maraayo.

12 hours ago

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Ismaaciil Samar oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya, xaraashka dhulalkii danta guud iyo doorashooyinka qof iyo cod.

Saddexdan siyaasi oo hadda ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa Salaasada maanta ah shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho gaar ahaan hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay si weyn uga dayriyeen xaaladda dalku maraayo.

Shirkooda jaraa’id ayey si gaar ah diirada ugu saareen:

  • Xaaladda guud ee dalka
  • Dastuurka la beddalay ee doorashooyinka aan heshiiska ahayn lagu qabanaayo
  • jaahwareerka siyaasadda Soomaaliya iyo Itoobiya
  • Heshiisyada iska soo horjeeda ee dalalka shisheeye
  • Xaraashka hantida qaranka Soomaaliyeed.
  • iyo qodobo kale

Ugu horreyntii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed Muuse ayaa sheegay in dalkeena waxa isku hayey uu yahay dastuur heshiis lagu ahaa, kaas oo hadda la beddalay, “waxa ayaan darro ah in dastuurkii la beddalay oo aan heshiiska lagu ahayn hadda la doonaayo in doorasho aan heshiis lagu ahayn lagu qabanaayo taas oo aan dalka ka wada dhici karin”.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in guddiga doorashooyinka uu yahay mid koox gaar ah samaysatey, sidoo kale ay meesha ka maqan tahay garsoorkii dadka kala saari lahaa, waxa taas dheer ayuu yiri “Somaliland, Puntland, Jubaland intuba waa maqan yihiin”, al-Shabaabna waa koox kale oo maqan oo ana heshiis lala ahayn.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadley wax uu ugu yeeray jaah-wareerka diblomaasiyadda ee ku dhacay siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. Waxa uu tusaale u soo qaatey “Itoobiya”. Shariifka ayaa sheegay in Baarlamaanka la mariyey qaraar labada aqal u dhamaa kaas oo dhigaayey “in Itoobiya aan miis lala fariisan karin ilaa ay ka noqdaan heshiiskii is-fahamka ee Somaliland ay la galeen 1-da Janaayo 2024. Shariifka ayaa sheegay in Itoobiya ilaa hadda aysan ka noqon heshiiskaas raali gelina aysan ka bixin”, Shariifka ayaa is weydiiyey sababta baarlamaanka loogu soo noqon waayey oo loo weydiisan waayey in qararkaas la jebiyo? Madaxweynaha isaga ayaa noo sheegay Itoobiya waa cadow ka xun al-Shabaab, muxuu noogu soo noqon waayey oo noogu sheegi waayey sida ay “Xabiib wanaagsan” ku noqdeen? ayuu yiri.

Dhanka kale Shariif Sheekh Axmed ayaa shaki geliyey heshiiskii Turkiga iyo Somaaliya kaas oo Baarlamaanka iyo xukuumadda laga ansixiyey iyada oo aan la arag waxa ku qoran. Heshiiskaas waxa uu yimid markii Itoobiya damacdey in ay qaadato “baddeena” ayuu yiri, waxaana Madaxweynuhu noo sheegay in Turkigu baddeena difaacayo, haddaba hehiiska Itoobiya isaguna Ankara ayuu ka soo bilowdey, sidaas dateed waxaa mugdi ku jira heshiiskii hore ee baarlamaanka ee Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo la ansixiyey isaga oo aan la arg ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in dalku maraayo xaalad aad adag, Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyey in uu dadkii oo dhan iska horkeenay, sharciyo gaar ah samaysatey, sharciga doorashada, sharciga xisbiyada, guddiga doorashada, dhamaantoodna ay yihiin gacan ku rimis sida uu hadalka u dhigay. Guddigi doorashada ee uu samaaystey Madaxweyne Xasan Sheekh markii beesha caalamku u diideen in ay ku bixiyaan dhaqaale ayaa Madaxweyne Xasan u xaraashayaa dhulkii Carwada Qaranka, waxaa iyaduna miiska u saaran ayuu yiri in la xaraasho Villa Baydhabo iyada oo horey loo xaraashey dhulkii jaamacadda umamadda Soomaaliyeed ee Gahayr oo laga barakixiyey dad masaakiin ah oo barakacayaal horey u ahaa. Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dadkii kala irdhiiyey, ku xadgudbey dastuurkii iyo awood qaybsigii dalka ee heshiiska lagu ahaa.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda oo isaguna goobta ka hadley ayaa siweyn u duray siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, taas oo noqotey mid jaah-wareersan sida uu sheegay. Prof. Samatar ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhex arkey dantiisa gaarka ah in uu iskala heshiiyo Abiy Ahmed isaga oo aan baarlamaanka ku soo noqon taas oo uu ku doonaayo in uu kula dagaalamo Dowlad goboleedyada dalka. Danta gaarka ah ee Abiy Axmed iyo midda gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa walaaloobay si uu xukunka ugu waaro.

Shirkan jaraa’id ayaa imaanaya kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka degay Itoobiya todobaadkan halkaas oo si indho-sarcaad ah loogu soo dhaweeyey, waxaana uu sheegay in uu hagaajinaayo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, booqashada ayaa daba socotey heshiiskii Ankara ee Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh ay ku gaareen dhamaadkii 2024.

Horseed Media