Shariif Xasan: “Waa Inay Dhacdaa Doorasho Wada Ogol ah”

Published: August 27, 2020

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka isagoo kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, Siyaasiyiin, aqoonyahan iyo bulshada magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir.

Shariif Xasan oo ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2020/2021 ayaa ugu baaqay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya in markii ay dhamaato afartii sanno ee la doortay inay dalka ka qabtaan doorasho la isla ogol yahay.

Waxaan rajeynaynaa afartii sanno waa dhowdahaye markay dhamaato inay doorasho dhacdo, ay dadka Soomaaliyeed ay raali isaga wada yihiin, isku wada ogol yihiin wada ogol ah

Shariif Xasan Shiikh Aadan

Shariif Xasan ayaa hadda ah gudoomiyaha xisbi siyaasadeed lagu magacaabo Horusocod Qaran.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *