Shariif Xassan: “Dhawaan Ayaa La Xoreynaya Gobolka Baay”

Published: February 21, 2012

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo qaar kamid ah Xildhibaanadu ay xilka ka qaadeen ayaa sheegay in dhawaan la xoreyn doono gobolka Baay iyo Bakool oo ay hadda ka taliyaan Xarakada al-Shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay mar uu waraysi siinaayeey BBC-da in ay jiraan ciidamo xoog leh oo ku wajahan halkaas.

Shariif Xassan ayaa sheegay in dadweynaha ku dhaqan goboladaas ay soo dhaweeyaan ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dawladda ee ku wajahan, waxaana uu sidoo kale baaq u direy qurba joogta Baay & Bakool in ay ka qayb qaataan dedaaladsa al-Shabaab looga saarayo Baay & Bakool.

Shariif Xassan ayaa difaacey taageerada ciidamada Itoobiyaanka, waxaana la xasuustaa xiligii uu Madaxweynaha ahaa Cabdullaahi Yusuf in waxa uu ka soo horjestey ay ahayd in Ciidamada Itoobiya la keeno Baydhabo, inkasta oo uu sheegay in maanta arintu taas ka duwan tahay oo uu taageersan yahay in Itoobiyaan soo galaan Soomaaliya.

Horseed Media