Sheegashada Soo Daahdey ee al-Shabaab, Shaacinta Deg-degga Ah ee NISA Iyo Sharta Hagoogan?

Published: December 31, 2019

Sanadkan 2019 waxa uu ku sagootiyey Soomaaliya xasuuq ba’an oo ka dhacay Ex-kontrool, kadib markii 28 Diseembar gaari weyn oo xamuul looga soo dhigey waxyaabaha qarxa, qaraxa ayaa dhacay xilli mashquul ah gawaari badan iyo shacab badana ay ku sugan yihiin goobtaas. Inta la og yahay qaraxa waxaa ku dhintey dad kor u dhaafaya sagaashan qof, waxaa ku dhaawacmey boqolaal kale, waxaa ku burburay hanti aad u badan.

Qaraxa ka dhacay Ex-Kontrool ee wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa lamid ahaa kii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14 Okt 2017 marka la eego xiliga uu dhacay, gaariga bomka lagu soo raray, tirada badan ee ku dhimatey, kaas oo aysan jirin ilaa hadda cid si rasmi ah u sheegatey laakiin si weyn loo aaminsan yahay lana rumeysan yahay in al-Shabaab ay fuliyeen.

Sida laga bartey taariikhda qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ururka al-Shabaab ay fuliyaan ayaa isugu jira laba xaaladood:

  1. Qaraxyada ay ku nafwaayaan shacab aad u badan oo rayid ah waxaa lagu yaqaan ururka al-Shabaab in aysan sheegan kana aamusaan waxaana kamid ahaa, qaraxii ka dhacay Hotel Shaamow 2009 xaflad loo dhigaayey dhakhaatiir ka qalin jebisey Kuliyadda Caafimaadka, Qaraxii ka dhacay Hargaha iyo Saamaha sanadkii 2011 ee ay ku nafwaayeen ardey aad u badan oo dedaal ugu jirey in ay helaan waxbarasho dibadda ah iyo Qaraxii Zoope oo ahaa dhul-gariir oo kale, al-Shabaab weli ma sheegan waxaase la aaminsan yahay in aysan jirin cid kale oo fulisey qaraxyadaas.
  2. Haddii al-Shabaab ay ku guuleystaan in bartilmaameedkoodi ay beegsadeen khasaarada shacabkuna aysan ahayn mid aad u weyn, degdeg ayey ku sheegtaan in ay fuliyeen weerarkaas.

Sidoo kale waxaa laga bartey taariikhda al-Shabaab in ay sii diyaariyaan sheegashada qaraxa ay fuliyeen, waxaana ay muuqaalo ka duubaan diyaarintiisa iyo kuwa qaraxyadaas u fulinaya ee ay u yaqaanaan shuhaddo, si ay u soo bandhigaan marka hawlgalku dhaco oo ay xayeysiin uga dhigaan isla malayshiyadooda dhexdooda kuna dhiiri geliyaan in ay naftooda haligaan, sidoo kale waxay ka dhigtaan dicaayad ay ku soo leexsadaan dhalinyaro kale.

Haddaba sida cinwaanka faalladan ka muuqata ururka al-Shabaab ayaa sheegtey masuuliyadda qaraxa ka dhacay Ex-Kontorool, saddex maalmood kadib, sheegadashada al-Shabaab ayaa soo martey waddo sax ah waxaana loo dhiibey Cali Maxamuud raage (Cali Dheere) oo ah afhayeenka rasmiga ah ee ururka al-Shabaab, wuxuu sheegay in kooxdiisu weerarka soo abaabushey oo ay fuliyeen isla markaana ay dileen kuwii ay doonayeen, laakiin nasiib darro shacab badan waxyeelo soo gaartey waxa uu ka tacsiyeeyey dadkii ay laayeen, wuxuuna sheegay in Turki badan oo dalka ku soo duushey ay dileen, taas oo caddeyneysa in bartilmaameedkoodu ahaa Turkida wadada ka shaqeyneysey.

Wararka ka soo baxay dowladda qaraxa kadib.

Kadib weerarku markii uu dhacay waxaa warar kala duwan ka soo baxay Dowladda Federaalka laamaheeda kala duwan iyo maamulka Gobolka Banaadir. Waxaa baraha bulshada laga daawadey Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku amraya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in aanu sheegin tirada dhimashada, taas waxaa la dhihi karaa dhinac waa uu ku saxsanaa dhinacna waa uu kaga khaldanaa, sidoo kale waxaa ka darnaa markii mid kamid ah masuuliyaiinta goobta ka hadashey uu sheegay in gaariga qaraxa ah loo wadey meel kale oo ka muhimsan halka uu ka dhacay oo laga hortegey, laakiin uu ilaaway shacabka boqolaalka gaaraya in qudhoodu ahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo oo qaraxa kadib soo duubay cajilad dhawr daqiiqo ah ayaa qudhiisu uga hadley si ka duwan wixii uu ballan qaadey, tacsida kadib waxa uu aad ugu dheeraadey in uu sifeeyo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey qaraxa iyo waxa ay ka shaqeynayeen, Madaxweynaha ayaa ka hadley doonitaanka al-Shabaab ee ah in ay Shacabka Soomaaliyeed qalbi jebiyaan. Kadib waxa uu bilaabey sifeynta al-Shabaab cidda ay yihiin iyo shaqada ay qabtaan iyo sida ay bahalo yihiin, kadib waxa uu bilaabey in uu shacabka Soomaaliyeed ka waaniyo dhibaatooyinka al-Shabaab ay wadaan. Shacabka Soomaaliyeed aad ayey u og yihiin dhibaatada al-Shabaab ay wadaan, laakiin waxa ay doonayaan ciddii wax ka qaban lahayad, Shacabku waxay is weydiinayaan ballanqaadkii Madaxweynaha ee ahaa laba sano ayaan ku soo afjarayaa dagaalka al-Shabaab oo aan dalka uga sifeynayaa.

Shaacinta NISA cidda lagu tuhmay qaraxa

Ka hor saacado sheegashada al-Shabaab masuuliyadda qaraxa Ex-Kontorol waxaa qoraal aad u kooban oo loo qorey hab xirfadiisu aad u hoseeyso soo dhigey barta Twitterka hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. Qoraalka ayaa lagu sheegay in NISA heshey xog muhim ah oo ay la wadaagtey madaxda sare ee dalka, taas oo sheegaysa in qaraxii 28 Diseembar qorsheyntiisa uu lahaa dal shisheeye, NISA waxay sheegtey in ay wadaan baaritaan ay la kaashan doonaan sirdoon kale oo caalami ah.

Hay’adda sirdoonka ee NISA ma sheegin dalka shisheeye ee soo qorsheeyey, sidoo kale ma sheegin cidda ay u adeegsadeen ee fulisey weerarka.

Weerarka waxaa lala beegsadey dhisamaha wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ee dhaqaalihiisa ay bixiso dowladda Qatar, waxa ku geeriyoodey ilaa laba Injineer oo u dhashey dalka Turkiga. Ibrahim Kargul oo ah qoraa Turki ah ayaa sheegay in uu hayo xog sheegaysa in dalka Imaaraadka Carabtu uu ka danbeeyey weerarkii shacabka badan ee Soomaaliyeed lagu xasuuqay. Qoraagan ayaa sheegay in qorshaha Imaaraadku uu yahay sidii loo wiiqi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, loona afgenbin lahaa Dowladda Soomaaliya. Dowladda Turkiga ayaa dhawaan shaacisey in ay ciidamo u direyso dalka Libya si dagaal ooge Col. Khalifa Haftar looga badbaadiyo dowladda Qaramada Midoobey ictiraafsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli. Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhankasta ah siiya Dagaal ooge Khaliifa Haftar. Qoraaga Turkiga ah ee Ibrahim Kagul ayaa isku xiray waxa ka socda Libya iyo qaraxa ka dhacay Muqdisho, sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatey kacdoonkii Suudaan ka dhacay ee lagu ridey Cumar al-Bashiir oo ku eedeeyey Imaaraadka, Sucuudiga iyo Masar in ay ka danbeeyeen si loo burburiyo heshiiska dhismaha Suaikin island ee Turkiga iyo Sudan.

Haddaba, hay’adaha sirdoonka caalamiga ah loogama baran in ay shaaciyaan xog baaritaankeedu socdo, sidoo kale iyaga shaqadooda maaha in ay xogta shaaciyaan, laakiin waxay lawadaagaan hay’adaha dowladda ee u xilsaaran si ay usheegaan wixii sheegid u baahan, iyaga oo soo xiganaya hay’adooda sirdoonka taas ma dhicin ee NISA warbixin qabyo ah ayey soo saartey. oo weliba Twitter ku shaacisey.

Ma jiro wax caddeyn ah oo la soo bandhigey dalka shisheeye ee wax ka soo qorsheeyey qaraxii lagu hoobtey.

Sheegashada soo daahdey ee al-Shabaab

Waxaa la is weydiinayaa sababta keentey in al-Shabaab ay sheegashada masuuliyadda qaraxa ay la soo daahaan? sidoo kale waxaa la isweydiinayaa sababta ay u shaaciyeen saacado yar kadib markii NISA sheegtey in dal shisheeye wax ka soo abaabuley weerarkan, dadka qaarkiis ayaa ku doodaya in al-Shabaab ay dhici karto in lagu diriqyey in ay sheegtaan weerarka masuuliyadiisa si aan cid kale loogu raacan. Waxaa hubaal ah in ay shaki badan abuurtey sheegashada soo daahdey ee al-Shabaab, iyada oo la ogaa in ay ka aamusi jireen weerarada kale ee ay shacabka badan ku laayaan.

Sharta iyo siraha qarsoon?

Waxaan shaki ku jirin cidda keliya ee hubeysan ee gudaha Soomaaliya ka dirireysa in ay yihiin ururka al-Shabaab, sida laga bartey taariikhda iyo sooyaalka ururada iyo jamhada hubeysan waxaa ku dhex dhuunta sirdoono kale, kuwaas oo taageero qarsoon siiya si loo fuliyo danaha dalalka ay u adeegayaan, waxaa iyana jira in dalal colaad ka dhexeyso in ay colaadooda u soo raraan dalal kale halkaas oo uu ka dhaco waxa loo yaqaan Proxy War (Dagaal la soo xawiley).

Soddonkii sano ee la soo dhaafey Soomaaliya waxay ahayd mid dhibbane u ah danaha dalalka shisheeye, kuwaas oo dab ku shidaayey xaaladda dalka iyaga oo isticmaalaya isla Soomaalida dhexdeeda, waxaana ay soo martey marxlado kala geddisan sida dalalka dersika, dalalka carabta qarkood iyo quwado shisheeye. Sirdoonka shisheeye ee Soomaaliya ka shaqeeya ayaa ku jira Dowladda dhexdeeda, sidoo kale waxa ay iska soo dhigaan Diblomiaasiyiin ka shaqeeya safaaradaha dalkooda, iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah.

Ugu danbeyntii waxaa la is weydiinayaa faafinta deg-deg ah ee NISA ka sooo baxdedy halka ay ku danbeyn doonto, ma soo bandhigi doonaan xogta ay sheegteen waxaa sheegi doonta taariikhda iyo waayaha dhaw. Natiijada keliya ee qaraxyada ayaa ah in shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ay ku nafwaayaan sanadkasta iyaga oo boqolaal gaaraya.

Omar Mohamed
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *