Sheekh Aadan Siiro oo xalay ku geeriyooday dalka Hindiya

Published: July 15, 2022
Sheekh Aadan Siiro

Alle ha u naxariistee Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan Siiro) oo kamid ahaa culimada caanka ka ah gayiga Soomaalida, ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya sida eheladiisu sheegeen.

Sheekha ayaa dalka Hindiya u joogay xaalad caafimaad oo uu la daala dhacayay sanadihii u dambeeyay, isaga oo ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u aaday isla dalka Hindiya sanadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale Sheekh Aadan ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jaceyl iyo caawinta dadka jilicsan ee tabaaleysan.

Allaha u naxariistee Sheekha ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa dacwada, wanaag farista, taageeradii uu siin jiray danyarta iyo u hadalka cadaaladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *