Sheekh Shaakir ” waxyaabo aan ka maleysaneyn ayaa xaga dowladda inooga yimid”

Published: November 4, 2019
Sheekh Maxamed Shaakir

Sheekh Maxamed Shaakir Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug kana mid ah hoggaanka Culimada Ahlu Sunnah Wal-jamaacah ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Galmudug oo saacadihii ugu danbeeyay uu ka jiray khilaaf siyaasadeed, Ciidamada DFS ayaa inta badan la wareegay deegaanadii ay gacanta ku haysay ahlu sunnah.


Sheekh Shaakir Waxaa uu sheegay in aanay diyaar u aheyn dagaal ka dhaca deegaanada Galmudug, isagoo xusay in waxyaabaha dhacay uu yahay arrin aanay ka maleysaneyn oo dowladda uga yimid.


Runtii waxyaabaha iyo qalalaasaha hada dhacay wax cusub ayay nagu noqdeen, waxyaabo aan ka maleysaneyn ayaa xaga dowladda inooga yimid, annaga haddii aan nahay Ahlusuna, ma rabno xabad inay dhacdo, hal qof inuu naga dhaawacmo iyo hal qof inuu naga dhinto, bulshadeena iyo deegaanadeena uma rabno dagaal ” ayuu yiri Sheekh Shaakir.


Sheekh Maxamed Shaakir waxa uu beeniyay in ciidamada dawlada ay la wareegeen xarumahoodii Dhuusamareeb, Guriceel iyo deegaano kale ayuu sheegay in arrintaas waxba ka jirin.


“Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas’uuliyiintii matalaysay ee dowladda soo dhaweysay, ma rabno in hal xabbad ay dhacdo, ma rabno hal qof in uu dhinto, ma rabno hal qof inuu dhaawacmo” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *