Sheekh Shariif oo Madaxda dowladda ugu baaqay in aan la siyaasadeyn Coronavirus.

Published: April 14, 2020

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraaid oo uu uga hadlayo xaalada guud ee Dalka si gaar ah cudurka dunidda kusii faafaya ee Covid-19, Shariif ayaa ugu baaqay Madaxda DFS in aanay siyaasadeyn cudurka Coronavirus, oo si wadajir ah looga hortago.

Sheekh Shariif waxa sidoo kale ku baaqay in cudurkan si midnimo leh ay dadka Soomaaliyeed uga hortagaan, waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay wada shaqeyn la sameyso Maamul goboleedyada, loona midoobo in si wadajir ah cudurkan looga hortago.

“Waxyaabaha aan rabno in dowladda inay sameyso oo aan kula talineyno waxaa ka mid ah wada shaqeyn inay la sameeyaan dowlad goboleedyada oo loo midoobo, maxaa yeelay arrintan siyaasad ma ahan, waa bani’aadanimo waa arrin khuseyso qof kasta Soomaali ah, marka in aan la siyaasadeyn oo siyaasad laga saaro, waxay abuuri kartaa fursad dadka Soomaaliyeed ku midoobaan oo ay uga gudbi karaan waxyaabo badan oo caqabado dhexdood ah, waa qadiyad umadda soomaaliyeed taabaneysa” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay qaataan kaalintooda ku aadan sidii cudurkan looga hortagi lahaa oo agabkii loo baahnaa ee ka hortaga iyo daaweynta cudurka ay dalka soo gaarsiiyaan, lana helo dhaqaale lagu cawiyo xaalada adag ee ay ku jiraan dadka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *