Shiikh Al-Azhar oo soo-saarey baaq uu ku taageerayo shirka London

Published: February 21, 2012

Ayado hal malin oo qur aay ka harsantahay Shirka London Dr Ahmed El Tayyeb, oo ah Imamka Al-Azhar ayaa soo saaray baaq uu ku taageerayo shirka London loogu qabanayo dadka Soomalida ah. Al-Azhar waa hay’adda diineed ee ugu saamaynta badan Masar dhexdeeda, waana mid ka mid kuwa ugu muhiimsan hay`adaha diinta islaamka ee ka jira dunida muslimka. Shirka London loogu qabanayo Soomalidu waxa uu qabsoomaya 23ka Febraayo waxaana ka soo qayb galaya xubno sare oo matalaya in ka badan 50 dawladood iyo ururo caalami ah. Xoghaya qaramada midoobay Ban Ki Moon ayaa ka soo qayb galaya, sidoo kalena waxa kasoo qayb gali doonaa madaxa Midawga Africa, jaamacadda carabta iyo ururada iskaashiga muslimiinta. Shirkan waxa looga dan leeyahay dardar galinta hawlgalka caalamiga ah ee Soomaaliya, fariintiisana Imamku waxa uu ugu baaqay Soomalidu in ay dhinac iska dhigaan wixii khilaaf dhexdooda jira kana wada shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha ka oogan Soomaliya.

Baaqa Imamka waxaa u dhigna sida hoos ku qoran

Ilahay baa amaan leh, Allihii koonka abuuray. Naxariista Alle iyo Nabadgalyadiisu ha ahaato korka rasuulkii u dambeeyey, walaalihiisii rususha kale ahaa iyo kuwa xaqa taageera markasta..

Soomaliyeey!

Allaha wayni waxa uu idiinku sheegay [ Qur`anka dhexdiisa] “qabsada xarigga eebbe, dhammaantiin, oo ha kala tagina; waxaanad xasuusanaataan waxa eebbe idinku galladay; waxa aad ahaydeen qaar isu cadaw ah markaasuu alle isu keenay quluubtiina, waxaanaydu ku noqoteen naxariistiisa alle awgeed qaar walaalo ah”

Rasuulka Eebe, naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxa uu yiri:

Qofka mu`iminka ah iyo qofka kale ee muminka ahi waxa ay isu yihiin sidii dhisme oo kale barkiiba barka kale uu xoojinayo.

Sidoo kale waxa uu yiri:

Muslimku waa walaalka qofka muslimka ah ee kale. Sida daraadeed yaanu dulmin yaanuna dulayn. Qofka qof muslim ah u garagaara ilaahay ayaa isna u gargaara; qofka qof muslim ah dhib ka fayda ilaahay ayaa isna ddhibta ka fayda maalinka qiyaame; qofka qof muslim ah ceebtiisa asturana ilaahay ayaa ceebtiisa astura maalinka qiyaame. .

Walaalaha Soomalida ahoow: Dadkiina sharafta leh waxa soo martay dhib iyo xanuun badan waxaanay u muuqataa haatan in damiirkii dunidu dhaqaaqay ama ay isku dayayaan in ay wax idinla qabtaan .

Waa in aad ka shaqaysaan sidii nabarkiina u daweyn lahaydeen, aad u daryeeli lahaydeen agoontiina iyo kuwa barakacay ugana hortagi lahaydeen in dhiig dambe oon waxba galabsani daato .

“qofka muslimka ah qofka kale ee muslimka dhiiigiisa, hantidiisa iyo sharaftiis in uu dhaawacaa waa ka xaaraan” (sunahii nabiga )

Kuwii aan diinta ku walaalawnayow, miyaydaan ka daalin qaybsanaanta iyo dagaalka? Miyaydaan ka daalin in aad qori caaraddiisa kuwada hadashaan iyo qalalaasaha dadkiinii ku barokacay daafaha dunida, dumarkiinii iyo caruurtiiniinau baylihiyay silica iyo ayaan darida?

Markii aan maqlay shirka London runtii waan idiin damqaday waxaanan jeclaystay in aan idinla hadlo, aniga oo rajo ka qaba in oraahdeyda gaarto qalbiyadiina oo aad aqbashaan. In la heshiiyo, lays cafiyo laysuna dulqaato ayaa loo baahanyahay si dhaawacyada dalkiinu u bogsoodaan dhibaatada dadkiinuna u soo afjaranto.

Waxaan Alle waydiisanaynaa in uu idinku guuleeyo dadaalkiina sharafta leh waxaananu u rajaynaynaa mustaqbal ifaya dadkiina dhibta badani soo gaartay.

Ilaahayow waxaan kaa baryaynaa in aad na siiso naxariis aad ku hagto qalbiyadayada, nagu midayso nagagana ilaaliso imtixaanada. Ilaaha dunida oo dhan Abuurayoow. .

Naxariis, nabadgalyada ilaahay guudkiina ha ahaato.

Shaykh Al Azhar
Dr Ahmed El Tayyeb