Shiikh Mustafe Oo Lagu Soo Dhoweeyey Magaalada Qardho

Published: February 2, 2021

Shiikh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee ugu miisaanka culus ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Soo dhowaynta shiikha ayaa waxaa duleedka magaalada uga hortagey masuuliyiin isugu jira maamulka gobolka, kan degmada, xildhibaano, culimo, dhalinyaro, haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shiikh Mustafe oo 27/01/2021 kasoo degay magaalada Garoowe ayaa inta uu ku sugan Qardho wuxuu ku qaban doonaa muxaadarooyin iyo kulamo uu la qaadan doono waxgaradka iyo dhalinyarada degmada Qardho.

Safarka shiikha ee deegaanada Puntland ayuu ku sheegay inuu yahay dal iyo dad barasho, maadaama uu muddo iman deegaanadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Masha allah. Dadku kheyr wade akhyaarow wadankiisa jecelow runta aan ka wabaneyn weertiisuna Tahay aakhirada weheshada aduunkana walaalnimo. Wa bilaahi towfiiq.