Shiikh Shariif Oo Ka Hadlay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Published: December 27, 2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo iyo khilaafka mar kale qarxay ee kala dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Raysalwasaaraha xil-gaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka Akhriso:

Go’aanadii uu qaatey Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay halis ku yihiin jiritaanka Dowladnimada iyo Xasiloonida Dalka.

Dalkaan xalkiisu wuxuu ku jiraa oo kaliya dhammaystirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hogaaminteeda  RW Mohamed Hussein Rooble.

Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi karo qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada.

Bulshada Soomaaliyeed waa inaysan aqbalin in la majaxaabiyo dowladnimada, dalkana dib loogu celiyo burbur iyo dagaal sokeeye. Waxaana ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed in aynu meel ugasoo wada jeesanno badbaadada Dalka iyo Dowladnimada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc!
    Walaal raaga somaaliyeed manaaga xiniin kan maxaa igu wacaan hanaga daayeyen qabayaalad iyo isqaab qaabsiga odayaad iyo musharaxiintu haajoojiyaan haadalad xanaaftaleh raaga hooganka karaajoqaba waa om at daayan