Shiikh Shariif oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey kana hadley rajadiisa doorashada- VIDEO

Published: January 18, 2017

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana uu ka hadley ol-olihiisa doorashada.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in ol-olihiisa doorashadu maraayo meel fiican, rajada uu qabno ay tahay mid aad u saraysa in uu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

– Rajada aan qabaa waa 100%, madaxweynaha soo socda waa aniga haddaba ogaada ayu yiri Musharax Shariif Sheekh Axmed oo aan wax shaki ah gelin in uu noqon doono Madaxweynaha la dooran doono.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Xasan Sheekh lacagtu ka baxayso laakiin aanu guul gaareyn.

– Xasan Sheekh lacagta waa bixiyey laakiin codka malahan, waxaa codka iska leh Xildhibaanka iyaguna siin mayaan, ayuu yri Sheekh Shariif.

Musharax Sheekh Shariif ayaa sheegay in sababta doorashada dib loogu dhigaayo ay tahay in dadka la gaajeysiiyo, musharixiinta la daaliyo oo dhaqaalaha laga dhameeyo kadibna fursadaas laga faa’ideysto.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah musharixiin ka badan 10 oo u ordaaya in ay Soomaaliya Madaxweyne ka noqdaan.

https://youtu.be/m5uVYMEoa6c?t=6m40s

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *