Shiikh Shariif oo olole ka dhan ah qorshaha Villa Somaliya ka bilaabay Jowhar

Published: November 2, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo shalay gaaray xarunta gobalka Shabeelada dhexe ayaa wada kulamo uu doonayo inuu uga qeyb qaato xal u helida khilaafka ka taagan dhismihii Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle iyo xiisada awoodqeybsiga.

Shiikh Shariif ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne kuxigeenkii Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la sheegayo inuu damacsan yahay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Hirshabelle arrintan oo ay si weyn uga soo horjeedaan qaar kamid ah beelaha gobalka Hiiraan oo sheegaya inay arrintan burburineyso awoodqeybsigii lagu dhisay maamulkaasi.

Waxaa jira warar ay dadku si weyn u hadal hayaan oo ah in Villa Soomaaliya ay qeyb weyn ku leedahay habka loo soo dhisay Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo ay ka jirto cabsho ay qabaan beelaha qaarkood oo sheegay in meesha laga saaray xildhibaanadii ay soo xuleen.

Shiikh Shariif ayaa sidoo kale la  kulmay maanta oo Isniin ah qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee kasoo horjeeda qaabkii loo dhisay Baarlamaanka Hirshabelle oo todobaadkan xilka loo dhaariyey.

Mucaaridka Villa Somaliya ayaa sheegaya in kooxda Madaxweyne Farmaajo u qaabilsan ololaha doorashada ay taageero u muujinayaan Madaxweyne kuxigeenkii Hirshabelle Cali Guudlaawe arrintan oo qeyb ka ah qorshahooda doorashada 2021 oo ay doonayaan in xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo doorto xubin kasoo jeeda gobalka Hiiraan, si cadaadis loo saaro murashaxiinta uu kamid yahay Shiikh Shariif iyo kuwa la beesha ah.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *