Shiinaha oo deeq lacageed guddoonsiisay hay’adda SoDMA

Published: November 22, 2023

Safiirka Shiinaha Fei Shengchao ayaa ku wareejiyay Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin kaalmo lacageed oo gaaraysa (139.318.45$).

Deeqdan oo billow u ah deeqo kala duwan oo dowladda Shiinaha ku garab istaagayso shacabka Soomaliyeed ee fataahaduhu saameyeen.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladdiisu ay mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee xaladdan adag ku jira.

Wuxuu sheegay in gargaar iyo taakulo kalena ay dhowaan billaabi doonaan, kana qayb qaadan doonaan dhismaha kaabayasha ku bur buray.

Guddoomiyaha SODMA ayaa u mahadceliyay shacabka, dowladda iyo safiirka Shiinaha.

SoDMA ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo aysan ahayn markii ugu horreysay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday Beesha Caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha & colaadaha muddada dheer ah.