Shiinaha oo ergey cusub u soo magacaabay geeska Afrika

Published: February 23, 2022

Dowlada Shiinaha ayaa Xue Bing, u soo magacaawday in uu noqdo ergay u qaabilsan geeska Afrika.

Xue ayaa horay uga soo noqday safiirka Shiinaha u fadhiya Papua New Guinea, waxaana sidoo kale kasoo shaqeeyay qeybo kamid ah Qaaradda Afrika iyo Ameerika, sida ay shaacisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa horay u dhawaajiyay bishii Janaayo ee sanadkan, mar uu safar ku marayay bariga Afrika in Dowladiisa ay qorsheeysay magacaabista noocaan ah.

Mr Xue Bing, Shaqadiisu waxay noqon doontaa horumarinta Nabadda iyo  xasilloonida gobalka,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wang Wenbin.

Waddamada Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu ergeygan cusub ka howlgali doono.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *