Hogaamiyaha markale la doortay ee Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u bilaabayo wadahadalada Shiinaha
Shiinaha ayaa “muhiimad weyn” siinaya hadalka Donald Trump, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay iyadoo ka jawaabeysa hadalladii Isniintii ka soo yeeray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka oo sheegay in uu wadahadallo kula jiray madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyaga oo adeegsanaya kaaliyayaashooda.
Trump waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in isaga iyo Xi ay is fahmi doonaan balse ay ahayd in ay noqoto “waddo laba-gees ah”, isaga oo ku celceliyay in Shiinuhu uu “jeexay” Maraykanka dhaqaale ahaan.
Afhayeen u hadlay wasaaradda ma uusan xaqiijin in ay isweydaarsadeen kaaliyeyaasha hoggaamiyeyaasha balse waxa ay sheegtay in Shiinaha iyo Mareykanka ay xiriirkooda ku ilaalinayeen siyaabo kala duwan.
Horseed Media