Shiinaha oo soo dhaweeyey kordhinta xubnaha ururka BRICS

Published: August 23, 2023

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku baaqay in la balaadhiyo kooxda BRICS ee dalalka dhaqaalahoodu soo koraya si loo dhiso nidaam caalami ah oo cadaalad iyo sinaan ah.

Khudbad uu ka jeediyay shirka BRICS ee ka dhacaya Johannesburg, Koonfur Afrika Talaadadii shalay, Xi wuxuu sheegay in Shiinaha uusan dooneynin inay galaan la tartan awoodaha kale ee caalamka iyo “iska-hor-imaad kooxeed”.

Dalal badan oo kamid ah wadamada soo koraya ayaa codsaday inay ku biiraan ururka BRICS, waxaana dalalkaasi kamid ah; Sacuudi Carabiya, Indonesia, Iran, Argentina, Venezuela, Masar iyo Itoobiya.

Ururka BRICS ayaa hadda ka kooban Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha iyo Koonfur Afrika, waxayna shacabkooda u dhigmaan 40% dadweynaha Adduunka iyo in ka badan 25% dhaqaalaha Adduunka.

Qodobka balaarinta xubnaha ururka BRICS ayaan weli lagu heshiin, iyadoo la sheegayo in dalalka Baraasiil iyo Hindiya inay ka cago-jiidayaan qorshahaas.

Horseed Media