Shil diyaaradeed oo sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Ballidoogle

Published: February 26, 2023

Diyaarad nooca Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada howlgalka Midowga Africa ee ATMIS oo tababareysay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ku burburtay deegaanka Balidoogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradan burburtay waxaa ku dhintay saddex qof, halka ay siddeed kalana ay ku dhaawacmeen.

ATMIS ayaa wax laga xumaado ku tilmaannay in saddex ka mid ah kow iyo tobankii rakaabka ahaa ee saarnaa diyaaradda ay naftooda ku waayeen.

Siddeed sarkaal oo dhaawac ah ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

ATMIS ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

Horseed Media