11-qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Gaalkacayo

Published: February 1, 2012

Shil gaari oo ay dad badani ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Goobta shilkaasi ka dhacay oo qiyaastii dhowr km dhinaca waqooyiga magaalada Gaalkacayo kaga beegan ayaa lagu magacaaba (Laanta-Dusmada), wuxuuna shilkani yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca waaweyn ee xaamuulka qaada ah gaar ahaan kuwa ay Soomaalidu (Caga-badanta) u taqaan iyo gaari yar oo Mark-2 ah.

Dadka shilkaas ku geeriyoodey oo ah 11 -qof ayaa dhamaantood ah rikaabkii la socdey gaariga yar waxaana ku jira 4-caruur ah iyo hooyadood,gaariga weyn ee shilka galay wuxuu ka tegey magaalada Gaalkacayo halka midka kalena uu ka yimid degmada Xarfo isagoo xiligii uu shilku dhacayey kusoo jeeday magaalada Gaalkacayo.

Goobta shilku ka dhacay ayaa waxaa durbadiiba gaarey mas`uuliyiin uu ku jiro gudoomiyaha gobolka Mudug iyo saraakiil ka tirsan laanta wadooyinka ee ciidamada Booliska ee gobolka, waxaana sidoo kale goobta gaarey wiish kala fujiyey labada gaari si looga soo guro meydadka oo iyagu dhamaantood ahaa kuwo si aad ah u goo go`an.

Dareewalkii gaariga weyn oo isaga dhamaan rikaabkii saarnaa ay bed qabaan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Booliska, waxaana isaga oo shoogsan loo dhaadhicay dhinaca Saldhiga dhexe ee Booliska Gaalkacayo halkaas oo su`aalo lagu weydiinayo.

Waa shilkii gaari ee ugu dhimashada badnaa ee in mudo ah ka dhaca wadada u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn, waxaana dhacadadan naxdinta badan maanta si aad ah looga hadal hayaa guud ahaan magaalada Gaalkacayo iyo deegaanada kale ee gobolka Mudug.

 

Axmed Maxamed Cali [Caano-geel]

Horseed Media

Gaalkacayo