Shil Gaari oo dhimasho & dhaawac ka soo gaaray Askar katirsan Ciidamada Dowladda oo ka dhacay Balcad

Published: October 1, 2022

Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday shil gaari, oo ka dhacay meel u dhow degmada Balcad, kadib markii rogmaday gaari ay saarnaayeen Ciidankaas.

Gaarigan oo noociisu ahaa Tikniko (Cabdi Bile) ayaa ka soo baxay Magaalada Muqdisho isagoo kusii jeeday degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe, waxaana markii shilka uu dhacayey ku socday xawaare sare.

Shan askari ayaa inta la xaqiijiyey ku geeriyooday shilkan, halka Sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilkan ayaa ku soo aadaya xilli degmada Balcad uu saldhigtay taliyaha Nabadsugida ee NISA Mahad Salaad, waxaana ku qulqulayey ciidmada Dowladda si ay uga qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Horseed Media