Shil gaari oo ka dhacay wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho

Published: February 26, 2012

Dad badan ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Waaciye ee gobolka Karkaar iyo Tuulada Juurile oo qiyaastii 125km dhinaca koonfurta magaalada Boosaaso kaga beegan.

Shilkan gaari oo dhacay goor hore oo saaka ah ayaa waxaa galay gaari nooca xamuulka qaada ee UD-ga ay Soomaalidu (waaraadka) u taqaano ah kaas oo ay la socdeen rikaab tira badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jirey.

9-kamid ah dadkii gaarigaas saarnaa oo tahiriibayaal qowmiyadda Oromada ee wadanka Itoobiya degta kasoo jeeda u badnaa ayaa dhaawacmay kadib markii gaarigaasi wadada ka baxay dabadeedna uu gadoomey.

Dadkii dhaawacmay oo badankood loo qaaday Isbitaalka guud ee degmada Qardho ayaa waxaa magaalada Boosaaso la keenay labo kamid ah oo ay xaaladoodu aad u liidato kuwaas oo xiligan lagu dabiibayo Isbitaalka guud ee Boosaaso.

Wuxuuna gaarigaas oo ay dushiisa dad tira badan oo dhowr iyo toban qof gaarayaa saarnaayeen kusoo jeedey xiligii uu gadoomayey magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Puntland.

Shilalka gaadiidka ee noocan ah ayaa inta badan ka dhaca wadada isku xirta magaalooyinka Gaalkacayo iyo Boosaaso, waxaana inta badan loo aaneeyaa gaadiidka oo la saaro rar ka badan intii qaadkoodu ahaa iyo dareewalada qaar oo aan khibrad fiican lahayn.

Dhamaadkii 2005 ayey ahayd markii shil gaari oo ka dhacay dalcadda (Labo-wanley) oo masaafo 40km ah Boosaaso u jirta ay ku geeriyoodeen 9-qof oo Itoobiyaan ah qaar badan oo kalena ay ku dhawacmeen.

Dadka Itoobiyaanka ah ee ka yimaada gobolada ay Oromadu degto ee dalka Itoobiya ayaa sanad walba iyaga oo koox koox u socda usoo safra magaalada Boosaaso halkaas oo ay intooda badani dalka Yemen uga sii tahriibaan.

 

Horseed Media