Shil gaari oo sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay gobolka Nugaal

Published: December 7, 2022
Shares2

Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhacay deegaanka Farjano oo hoostaga Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gawaarida nooca looyaqaan Maarkeed iyo Candha-maydle.

Inta la xaqiiyey shilka waxaa ku sababay dhimashada labo qof iyo dhaawaca sadex qof oo kale.

Ciidanka booliska qaybta Nabadgelyada waddooyinka ayaa markiiba ka howlgalay iyagoo dhimashada iyo dhaawaca geeyay isbitalka wayn ee degmada Burtinle waxayna bilaabay baaritaan ku aadan sida uu shilka udhacay.

Horseed Media