Shir ay ka maqan Puntland oo ay yeesheen DFS & Dowlad Goboleedyada oo lagu soo gebagabeeyey Kismaayo

Published: March 10, 2023

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa lagu soo gabagabeeyay Shirka Madasha Wasaaradaha Amniga iyo Taliyeyaasha Booliiska ee Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkaan oo ay ka maqneyd Puntland ayaa looga wada hadlay xoojinta wadashaqeynta Wasaaradaha Amniga iyo Booliiska heer Federaalka iyo mid Dowlad Goboleedyad si loo kala aqoonsado awoodaha sharciga ay kala leeyihiin.

Sidoo kale Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Booliiska heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ku ballamay in la joogteeyo kulamada ay isaga xog-wareysanayaan wajiga 1aad ee Shirkaas.

Shirka inta uu socday waxaa lagu magacaabay Guddiga Farsamo kuwaas oo ka shaqeyn doona qaybta 2aad ee Shirkaan.

Horseed Media