Shir Boosaaso uga furmay Puntland iyo Jubbaland

Published: January 18, 2020

Shirka Iskaashiga Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka furmey Madaxtooyada Boosaaso.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir u furay shirka.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kala socda labadda maamul iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *