Shir degdeg ah oo looga hadlayey Amniga oo lagu qabtay Baydhabo

Published: August 13, 2022

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey Shir deg deg ah oo looga hadlayey Amniga.

Shirka waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Laamaha Amniga Qeybahooda kala Duwan, kuwa ATMIS iyo Saraakiil ka socday Dowlada Ingiriiska.

Shirka waxaa diirada lagu saaray Xoojinta Amniga, Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka, Wadaagida Xogaha Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Xoojinta Howlgalada Socda.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya Xilli Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay xoojiyeen weerarada ay ku qaadayaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana Qaraxyo ay ka dhaceen ilaa dhowr magaalo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *