Shir Garoowe uga furmay Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmd iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Published: March 23, 2024

Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Garoowe waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay Shir looga hadlayo marxladda uu dalku marayo.

Shirka waxaa ka qeybgalay Labadii Madaxweyne ee hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dhanka Puntland ee shirka marti gelisey waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Ilyaas Cismaan Lugatoor, Guddoomiyaha Golaha Wakillada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, mudanayaal ka mid ah Golaha Wakiilada Puntland iyo in badan oo kamid ah Golaha wasiirada ee Xukuumadda Puntland.

Shirka maanta Garoowe ka furmay oo aan faahfaahin laga bixin ajandihiisa rasmiga ah oo keliya lagu soo koobey marxaladda dalku maraayo ayaa la filayaa in waxa ugu weyn ee looga hadlo ay noqon doono Dhamaysirka Dastuurka. Lama sheegin mudada shirku socon doono, xog ku dhaw madaxtooyada Puntland ayaa sheegaysa in shirka laga soo saarayo war murtiyeed ku aadan xaaladda dalka gaar ahaan nidaamka uu ku socdo dhamaystirka dastuurka, kaas oo Puntland gebi ahaantiisa ay ka maqan tahay.

Waxaa lagu wadaa in ay shirka ka soo baxdo in gogol la dhigo Garoowe si xal wada jir ah looga gaaro khilaafka ka taagan dhamaystirka dastuurka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Puntland tegey maalmihii Khamiista iyo Jimcada si ay u dardargeliyaan gulufka ay uga soo horjeedaan nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Dastuurka dalka ku wado.

Shariif, Farmaajo iyo Deni ayaa qorshahooda yahay sidii ay u sameyn lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, si ay uga hortegaan qorshihiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Horseed Media