Shir ku saabsan horumarinta degmooyinka Soomaaliya oo ka socda dalka Ruwaanda

Published: February 15, 2022

Guud ahaan 33 duq magaalo oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya (MoIFAR) ayaa Isniintii shir uga furmay magaalada Kigali, shirkan madasha wadatashiga qaran ayaa socon doona muddo toddobaad ah, kaasoo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ah dhanka maamulka ah.

Madaxdan ka timid Soomaaliya ayey booqashadan u noqon doontaa mid waxbarasho iyagoo booqan doona goobo kala duwan sida Madxafka Kigali ee Xasuuqii dalkaasi ka dhacay iyo xarunta ganacsiga ee Nyirangarama ee degmada Rulindo.

Jean Marie Vianney Gatabazi oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Rwanda oo wafdiga kusoo dhaweeyay Kigali ayaa sheegay in ay xiriirka noocaan ah mid muhiim u ah Rwanda iyo Soomaaliya.

“Ruwanda iyo Soomaaliya waxa ay wadaagaan waxyaabo taariikhi ah, sidaa awgeed in aan is barano waa muhiim oo laga wada shaqeeyo horumarinta dalalka walaalaha ah,” ayey sheegeen wafuuda ka kala timid degmooyinka kalkal duwan ee Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *