Shir Ku Saabsan isbedelka Cimilada Somaliya oo ka furmay Muqdisho

Published: August 10, 2020

Magaaladda Muqdisho waxaa ka furmay wajia labaad ee shirka wadatashiga ka qeyb-qaadashada isbedelka cimilada Somaliya

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga isbedelka cimilada xafiiska ra’isulwasaaraha Somalia, waxaa ka qeyb-galaya wasaaraddaha bay’adda ee dowlad goboleedka dalka qaar ka mid hay’addaha dowladda dhexe isagoo socon doono muddo labo maalmood.

Sida qorshahu yahay waxaa la uruurinayaa  dhammaan xogaha isbedelka cimilada ee heer qaran si loo horgeeyo sanadkaan dhamaadkiisa hay’adda qaramada midoobay u qabilsan isbedelka cimilada ee dunida Soomaaliyane ay ka tirsan sida uu sheegay agaasimaha guud ee agaasinka isbedelka cilimadda Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka Mudane Axmed Yuusuf Axmed.

“Waxaa qorshahu yahay inaan dhammaan xogaha aan aruurinayay meel isagu wada geyno kaddib aan mideyno wax yaabaha ugu muhiimsan si aan u maareynta guud ahaan wax yaabaha aan ka qaban doono isbedelka cimilada shanta sano ee soo socota ayuu yiri Agaasime Axmed Yuusuf Axmed.

Sidoo kale waxyaabaha  lagu gorfeynayo waxaa ka mid abaaraha ,fataahaddaha soo laabatay ,Xoolaha, beeraha, biyaha wax soo saarka shidaalka, wasaqowga hada  iyo guud ahaan  Cimilada dalka waxaana xubaha matalayay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay soo dhaweeyay muhiimada shirkaan uu leeyahay.

Wajiga kuwaad shirkaan isbedelka cimilada waxa uu ka dhacay bilaawga sanadkaan magaalada Garoowe ee xarunta Punland hase ahaatee xafiiska isbedelka cimilada waxa uu sheegay in illaa iyo sedex shirkale laga qaban doonaan dhammaan waxyaabaha kasoo baxo la geyndoono shirka guud ee Qm ee la filayo inuu dhaco bisha 12 Decembar ee 2020.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *