Shir lagu Gorfeynayey Marxaladda Soomaaliya oo lagu soo geba-gabeeyay Washington

Published: October 13, 2022

Shir gaar ahaa oo lagu Gorfeynayey Marxaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Dalalka deeq-bixiyeyaasha oo hoggaan ay u yihiin hay’adda Lagacta Adduunka IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa ka qeyb galayaashii shirka la wadaagay dadaalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa la wadaagay sidii Dowladdu u fulisay dhammaan shuruudihii deyn-cafinta iyo taageerada looga baahan yahay Saaxiibada caalamka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in natiijo lagu farxo iyo taageero wada ogol ah ay kala kulmeen ka soo qayb galayaasha shirka gaarka ah ee dhinac socday shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Horseed Media