Shir Looga Hadlay Garsoorka Dalka Oo Ka Furmay Caasimadda Muqdisho

Published: June 24, 2023

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha dalka kaas oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay iskugu yimaadaan Garsooreyaasha kala duwan ee Maxkamadaha dalka, ayaa diiradda lagu saarayaa mawaadiicda ahmiyadda u leh hawlaha shaqo ee Garsoorka, waxaana shirkan maanta loogga hadlayaa mideynta qaabka iyo qorista xukunnada, habraaca dacwadaha been abuurka ah, iyo weliba fulinta dacwadaha iyo u sinnaanta caddaaladda, waxaana halkaas lagu soo bandhigayaa cilmi baadhisyo kala duwan oo laga sameeyey mawaadiicda uu ku saabsan yahay shirku.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo furitaankii Shirka hadal ka jeediyey, ayaa carabka ku adkeeyey in shirkani uu ahmiyad weyn u leeyahay fududeynta xil gudashada garsoorka iyo tayeynta adeegyada caddaaladeed ee uu bulshada u qabto iyo in faham middaysan laga yeesho dabaqida iyo tafsiirka qawaaniinta kala duwan ee dalka si kor looggu qaado adeega cadaaladdeed ee Garsoorka dalka.

Horseed Media