Shir looga hadlayo khillaafka Wasaaradaha Maaliyadda DFS & Dowlad Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Published: September 5, 2022

Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa maanta shir uga furmay Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka.

Shirka ayaa looga hadlayaa wadashaqeynta Wasaaradaha Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed.

Sidoo kale sharkaan waxaa looga hadlayaa nidaamka Maaliyadda dalka iyo tabasho Wasiirada Maaliyadda Dowlad goboledyada ay qabaan.

Todobaadkii hore ayey aheyd kadib markii Wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad Goboleedada dalka ay ku dhawaaqeen ina xiriirka u jareen la Shaqeynta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya.

Shirka Wasiirada Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed ayaa markii uu soo dhamaado kadib lagu wadaa in laga soo saari doono Warmurtiyeed ay kaga hadlayaan waxyaabihii ay isla meel-dhigeen.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *