Shir Madaxeedka 39aad ee IGAD oo maanta ka dhacaya Nairobi

Published: July 5, 2022

Shir Madaxeedka 39aad ee Urur Goboleedka IGAD ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Nairobi waxaana diiradda lagu saarayaa Abaarka jirta dalalka xubnaha ka ah ururkaan, Amniga iyo xal u helista khilaafaadka xuduudaha.

Madaxda IGAD ayaa si qoto dheer uga doodeysa wax ka qabashada Abaarta ka jirta waddamada xubnaha ka ah ururkaan oo ay ugu daran yihiin Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo heerar kala duwan gaaray saameynta ay reebtay Abaartu.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo metelata Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa lagu wadaa in uu kusoo bandhigo heerka abaarta Soomaaliya gaarsiisan tahay, dedaalka Madaxweynaha JFS uu sameeyay iyo sida wax looga qaban karo.

Gaba-gabada shir madaxeedka IGAD ayaa lagu wadaa in warsaxaafadeed laga soosaaro si loosoo bandhigo waxyaabaha ay isla gartaan Madaxda ka qaybgaleysa shirkaan 39aad, sida lagu xalin karo caqabadaha iyo dhibaatooyinka taagan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *