heshiis nabadeyn ah oo laga dhex wado beelo oo wada dega gobolka Hiiraan-Dhageyso

Published: August 6, 2018

Gobolka hiiraan waxaa ka soconaya shirar lagu soo afjarayo colaad in mudo ah u dhaxeysay beelo walaalo ah kuwaasi oo ay diriri ku dhex mari jiray dhul daaqsimeed ku yaala deegaano ka mid ah gobolkaasii Hiiraan.

Waxgaradka iyo Nabadonada Gobolka ayaa ka qayb qaadanaya soo af jerida colaadaha ku soo laa laabtay GobolkaHiiraan.

Nabadoon Maxamed Yacquub Isaxaaq oo ka mid ah Nbadoonada ka soo jeeda degaankada Maamulka Hir shabelle si gaar ah Gobolka Hiiraan Oo la hadlay Horsed medi ayaaa waxaa uu soo dhaweeyey dib u heshiisiintaasi ka socta Gobolka.

Dhinac kale isagoo sii hadlayey ayaa waxaa uu fariin adag u diray qolooyinka jebiya heshiis kasta oo colaada laga gaara isagoona uga baaqay inay ilaahey uga baqaan Daadinta dhiiga qofka Muslimka ah.

Hoos ka dhageyso wareysiga oo uu qaaday Weriye Aweys Bashiir

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *