28 July, 2024
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta.
Shirkan oo looga arrinsanayo horumarradii laga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo lagu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan laga xoreeyey argaggixisada.
Shirkan ayaa sida oo kale lagu falanqeynayaa u tabaabushaysiga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee kasocda qaybo kamid ah dalka.
Horseed Media