Shirka Dib u heshiisiinta kooxaha reer Falastiin

Published: July 31, 2023

Hogaamiyayaasha siyaasada ee Falastiiniyiinta oo ku shiray Masar ayaa go’aan ku gaaray inay dhisaan guddi u qaabilsan dib u heshiisiinta Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Maxamuud Cabbaas iyo hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa ku kulmay wadahadal fool ka fool ah oo dhif iyo naadir ah Axadii magaalada xeebta ah ee El Alamein, waxaana kulankooda ku weheliyey wakiilo ka socda inta badan kooxaha siyaasadeed ee Falastiin.

Isku daygii ugu dambeeyay ee dib-u-heshiisiinta ayaa ujeedadiisu tahay in la soo afjaro farqiga u dhexeeya dawladaha isbarbar-yaacaya ee Xamaas ee ka jirta marinka Gaza oo la go’doomiyey iyo maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Maxamuud Cabbaas ee ururka Fatax oo ka taliya Daanta Galbeed.

“Waxaan u arkaa kulanka maanta ee xoghayayaasha guud ee kooxaha falastiiniyiinta inuu yahay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan sii wadida wada-hadalladayada, kaasoo aan rajeyneyno inaan sida ugu dhaqsaha badan ku gaari doono yoolalka la doonayo,” ayuu Cabbaas ku yiri hadal uu soo saaray kulanka kaddib.

Hogaamiyaha Xamaas, Haniyeh wuxuu ugu baaqay Cabbaas inuu joojiyo “wada shaqaynta amniga” ee Israa’iil iyo “xarigga siyaasadeed”, sida ay sheegeen ka qaybgalayaasha kulanka.

Hogaamiyaha Xamaas waxa kale oo uu yidhi “Barlamaan cusub oo loo dhan yahay waa in lagu sameeyaa doorasho dimoqraadi ah oo xor ah”.

Xamaas ayaa ku guuleysatay doorashooyinkii Baarlamaanka ee ugu dambeeyay ee 2006-dii, sanad kadib ayey la wareegeen maamulka marinka Gaza ka dib markii ay xukunka ka faramaroojisay Fatah oo iyaduna isku dayday afgambi lagu bedelayo xukuumadda la doortay ee Xamaas. Dhawr toddobaad oo dagaal gacan ka hadal ah ayaa daba socday, taasoo keentay in Xamaas ay xukunto deegaanka xeebta ah ee Gaza halka Fatax – oo ah xisbiga ugu weyn maamulka Falastiin – uu ismaamul xaddidan ku haysto Daanta Galbeed ee la haysto.

Horseed Media