Shirka Garoowe oo maalintii 2-aad galay

Published: February 16, 2012

Waxaa maalintii 2-aad galay shirka wadatashiga arimaha Dastuurka oo shalay ka furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulanka maanta oo ay yeelanayaan guddiyada hoose ee ergooyinka shirka ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin oo Saxaafaddu ay banaanka ka joogto.

Waxayna guddi hoosaadyadu dejinayaan howlaha farsamo ee shirka iyo ajandaha lagu gorfeyn doono inta uu socdo.

Mas`uuliyiin ay kamid yihiin madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaam Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Ra`iisul wasaaraha dowlada KMG ah oo iyagu shirka maanta qaybtiisa hore aan joogin ayaa la filayaa inay mar dhow soo gaaraan.

Dhinaca kale ammaanka guud ee magaalada Garoowe gaar ahaan goobta u shirku ka socdo ee jaamacadda PSU ayaa si aad ah loo adkeeyey.

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland oo xiligii uu shirkii kan ka horeeyey socdey amaanka Garoowe si aad ah u sugay ayaa haatanna goobta shirku ka socdo amnigeeda gacanta ku haya.

Shirkan oo sida la qorsheeyey socon doona mudo 3-maalmood ah waxaa lagu wadaa inuu soo gaba gaboobo maalinta beri ah, waxaana lagu rajo weyn yahay in qodobo wax ku ool ahi ay kasoo baxaan.

Horseed Media