Shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo maanta furmaya

Published: September 4, 2018

Magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland waxaa maanta ka furmaya shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada wejigiisa sadexaad.

Shalay gelinkii dambe ayaa la filayay in uu furmo shirkan ay yeelanayaan madaxda maamul goboleedyada hase ahaatee arimo farsamo awgeed uu dib udhac ugu yimid sida ay xaqiijiyeen gudiga farsamada shirka.

Maamulka Jubaland oo markii labaad shirkan martigelinaya ay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe waxa uu sheegay in shirkan looga arrinsasanayo arrimo ay kamid yihiin qeybsiga kheyraadka, arimaha dastuurka iyo sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u ula gaareen dowladda dhexe.

Shirkan kii horeeyay ayaa 14-kii bishii March waxa uu ka furmay magaalada Baydhabo iyadoona la xasuusto in lagasoo saaray warmurtiyeed badi mucaarad ku ahaa madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Xiliga uu kusoo aaday qabsoomida shirkan ayaa dadka falanqeeya siyaasada ay aaminsan yihiin in ay tahay xili xasaasi oo madaxda maamulada qaarkood ay kusoo fooleeyihiin loolan adag oo dhanka doorahooyinka sida Puntland,Jubaland iyo Koonfur galbeed kuwaas oodhamaantood galaya doorashooyin guud.

Arinta kale ee laga yaabo in madaxdu ay ka shiraan warmurtiyeedna kasoo saaran ayaa ah go’aan ka gaarista khilaafka ba’ani oo madaxda qeybtood uu xiligan kala dowlada dhexe sida martigeliyaha shirka madaxweynaha maamulka Jubaland kaas oo sida la ogyahay uu khilaaf kii ugu xumaa kala dhexeeyo madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *