Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay Puntland ka maqan tahay oo markale furmay

Published: May 24, 2023

Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowlada Federaalka Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir oo uu gudoominayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamud ayaa manta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa hadlay xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgallada Al-shabaab, dhameystirka Arrimaha deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Shirka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koofur Galbeed.

Shirkaan waxaa ka maqan Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo sidaan oo kale uga maqnaa kulankii ka dhacay Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Horseed Media