© 2022 Horseed Media Group

Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay Amniga & xaaladda abaarta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo la qabto Khamiis walba.

Shirka ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo  hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).

Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul ( caruurta, haweenka iyo naafada).