© 2022 Horseed Media Group

golis telecom

Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle oo looga hadlay baaxada abaarta ee saameysay dadka iyo xoolaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta dul istaagay hadal qoraalkii ka soo baxay shirkii hore ee golaha waxaana uu faray Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka in si deg deg ah uu kusoo diyaariyo dukumentari cadeynayo baaxada abaarta jirta ee saameysay dadka iyo xoolaha.

Madaxweynaha ayaa warbixinta guud ee howlaha amniga ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudah Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre waxaana uu faray diyaarinta dugsiga tababarada ciidanka si loo dardargaliyo tababarada ciidamada booliiska iyo daraawiishta Dowladda Hirshabeelle.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka adag ee ay Golaha Xukuumada Hirshabeelle.