Shirka Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta

Published: January 14, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta guddoomiyay kulanka ugu horreeyay ee Guddi Howleedka Farsamo Ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta.

Mudane Axmed Macallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo khudbad kooban kajeediyay Kulankan ay u dhammaayeen waaxyaha warbaahineed ee Wasaaradaha XFS iyo hey’adaha dowladda ee ka shaqeeya Arrimaha Xasillinta ayaa waxaa uu adkeeyey ahmiyadda ay Dowladda Soomaaliya u leedahay mideynta farriimaha warbaahineed ee Xasillinta iyo in sidoo kale ay xafiisyada warbaahineed ee dowladda yeeshaan ajendeyaal mideysan oo qaran.

Kulanka inta uu socday waxaa ay kaqeybagalayaashu isla garteen ujeedka iyo howlaha guddiga iyo arrimmo kale.