Shirka IGAD: Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo kulan gaar ah yeeshay – VIDEO

Published: December 20, 2020

Shirka aan caadiga ahayn ee urur gobaleedka IGAD uga furmay magaalada Jabuuti ayaa waxaa laga soo saarayo baaqyo ku aadan xalinta khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xalinta khilaafyada jira ee eedaynta Soomaaliya usoo jeedisay dowlada ay jaarka yihiin ee Kenya.

Illaa iyo hada wadahadalada socda oo ah heer Madaxweyne ayaan laga soo saarin warmutiyeed walow la sheegay in la isku afgartay qodobo kamid ah waxyaabaha laga wadahadlay oo ay kamid yihiin arrimaha Amniga.

Kenya ayaa la sheegay in dhankeeda ay iska fogeysay eedeynta uga timid Soomaaliya isla markaana sheegtay in khilaafka gudaha Soomaaliya ka jira aysan wax lug ah ku lahayn sida Horseed Media kasoo xigatay xubno kamid ah wafdiga Madaxweyne Farmaajo.

Shirka IGAD ayaa sidoo kale looga hadlay xaalada ka jirta dalka Itoobiya iyo dagaalka ka socda gobalka Tigreyga, dowlada Sudan ayaa walaac ka muujisay qaxootiga badan ee uga imaanaya dhulka ay dagaalada ka socdaan.

Hoos ka daawo:

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *