Shirka Riyadh ee Iskaashiga Sacuudiga & Afrika

Published: November 10, 2023

Waxaa maanta oo Jimce ah magaalada Riyadh ka furmay shirka iskaashiga Boqortooyada Sacuudiga iyo dalalka Afrika.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa khudbadiisa furitaanka uga hadlay xaalada Falastiin isagoo cambaareeyey Israel.

MBS ayaa sheegay in Israel ay danbiyo dagaal ka geysaneyso Marinka Gaza.

Shirka Maanta ka furmay Riyadh ayaa diirada lagu saarayaa sare u qaadida ganacsiga ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Qaarada Afrika.

Sacuudiga ayaa sheegay in $45 bilyan ay gelisay mashaariicda horumarinta 54 wadan ee Afrika.

Sidoo kale hay’ada gargaarka Sacuudiga KSrelief ayaa la sheegay in lacag gaareysa $450 milyan ku deeqday hawlaha gargaarka ee laga wado 46 wadan oo Afrikaan ah.

Maxamed Bin Salmaan ayaa maanta ku dhawaaqay hirgelinta Mashruuca (King Salman Development Initiative) oo ay ku baxeyso $1 Bilyan.

Mashruucan oo socon doona 10 sano ayaa lagu kabayaa dalalka Afrika.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu maalgashi gaaraya $25 Bilyan uu gelin doono Afrika.

Horseed Media