Shirka isku-duwidda howlaha Caafimaadka oo ka furmay Muqdisho

Published: July 30, 2023

Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwdida howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda caafimaadka Soommaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxana looga hadli doonaa horumarinta Caafimaadka dalkee.

Shirka waxaa furay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliyo Dr Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali waxaana ka soo qeybgaley Agaasime waaxeedyada Wsaaradda Caafimaadka, Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee Dowladda, Dhaqaatiir iyo kaadiriin dhanka Caafimaadka ah

Inta uu socdo kulanaka wax dhinacyadu uga doodi doonaan doodo la xiriira Caafimaadka dalka si dhammaan ka qaybgalayaashu ay wax ku biiriyaan, iyada oo ujeedadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta Caafimaadka Qaranka