Shirka Istaratijiyadda Cadaaladda Soomaaliya oo ka socda caasimadda Muqdisho

Published: May 12, 2024

Shirka diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad, kaas oo hal-ku-dhig looga dhigay bilowga geeddi-socodka horumarinta Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Shirweynaha waxaa qeyb ka ah Wasaaradda Cadaaladda, Xeer Ilaalinta Guud, Suleiman, iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha bahda cadaaladda, ee heeer federaal iyo mid dowlad goboleedba.

Banbaxa waxaa tan iyo shalay ka socda aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo bud dhig u ah istiraatiijiyada bahda cadaaladda Soomaaliya oo dhammaystiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahiyaha dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Banbaxan ayay ka qeyb-galayaasha sheegeen inay gacan ka geysaneyso ilaalinta sharciga iyo kor-u-qaadista maamul wanaagga, taasoo dadka Soomaaliyeed u horseedi doonto horumar dhanka Cadaaladda ah.

Horseed Media