Shirka Kuuriyadda Koonfureed iyo dalalka Africa oo ka furmey Seoul

Published: June 4, 2024

Wafuud ka kala socota 48 dowladood oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan 25 madaxweyne ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Kuuriya iyo Afrika

Shirka Kuuriyada koonfureed iyo afrika

Waxaa maanta oo Salaasa ah ka furmay magaalada Seoul shir madaxeed u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed iyo wadamada Afrika.

Shirku ayaa higsanaya “in la xoojiyo xiriirka dhaqaale iyo iskaashiga gaar ahaan xagga sahayda iyo horumarinta dalalka qaniga ku ah kheyraadka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda Kuuriyadda Koonfureed.

Wafuud ka kala socota 48 dowladood oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan 25 madaxweyne ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Kuuriya iyo Afrika. Soomaaliya waxaa shirka uga qaybgalaya raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.

“Koonfurta Kuuriya waxay hiigsaneysaa inay ballaariso ganacsiga iyo maalgashiga Afrika” iyadoo heshiisyo la saxiixatay, ayuu yiri madaxweyne Yoon Suk-yeol.

Ganacsiga Bariga Fog uu la leeyahay wadamada Afrika ayaa ah 1.9% tirada ganacsiga qaranka Kuuriyada Koonfureed.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed isagoo taageeraya is dhexgalka dhaqaale ee wadamada Afrika, wuxuu daaha ka qaaday qorshayaasha Kuuriyada Koonfureed ay ku ballaarinayso kaalmada horumarineed ee rasmiga ah ilaa $10 bilyan marka la gaaro 2030ka.

Waxa uu sheegay in Seoul ay la shaqeyn doonto wadamada Afrika “si loo hubiyo marinada sahayda adkeysiga leh ee macdanta muhiimka ah iyo isbeddelka dhijitaalka ah iyo in wax laga qabto isbeddelka cimilada, amniga cuntada, iyo arrimaha caafimaadka bulshada.”

“Waxaan raadin doonnaa xalal iskaashi oo waara arrimaha tooska ah ee la xiriira koritaanka mustaqbalka, sida marinada macdanta muhiimka ah iyo isbeddelka dhijitaalka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Yoon oo furitaankii shirka ka hadley.

Dhanka kale war ka so abxay xafiiska raysalwasaare Xamse ayaa lagu sheegay in gelinka danbe ee Salaasada uu ka jeedin doona khudbad loogu talagalay shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.