Shirka madasha aragti wadaaga Soomaalida ee Heritage oo ka furmay Jabuuti

Published: December 4, 2022
Shares14

Waxaa dalka Djibouti ka furmay shirkii madasha aragti wadaaga Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo machadka Heritage.

Shirka sannadkan waxaa looga hadlayaa oo lagu lafu guri doonaa maalmaha uu socdo baaritaano laga sameeyey abaaraha ku soo noqnoqday Soomaaliya.

Madashan oo ah tii 6aad oo Machadka qabto ayaa ku soo aaday 10 guurada ka soo wareegatay aas aaska Machadka Heritage.

Mowduuca Madasha ee sanadkan ayaa ah is bedelada Cimilada iyo colaadaha Geeska Afrikax waxaa shirka furay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Bey’adda Jabuuti, waxaa shirka soo xiri doona Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka socota dowladdda Federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Gobolka Waqooyi Bari iyo aqoonyahano iyo ururada bulshada oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo deegaanada Geeska Afrika

Horseed Media